(Madrid) 25 Mar 2020. Difaaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa si cad ugu dhawaaqay inuu hay’adda UNICEF kala shaqeyn doono la daallanka inuu faafo caabuqa coronavirus.

Kabtanka Los Blancos ayaa sheegay in isaga iyo ciyaartoyda ku kooxda ah, si la mid ah naadiga ay dhaqaalo ahaan u taageerayaan in isbitaallada la gaarsiiyo qalab iyo daawooyin lagula tacaallayo dadka uu saameeyay feyruska COVID-19.

“Waxaan ahay safiir ka tirsan UNICEF, intaan la shaqeynayana adeegyo caawinaad ayaan qabannay.” ayuu u sheegay Ramos barnaamijka El Hormiguero.

“UNICEF waxay dhexda u xiratay inay agab caafimaad keento isbitaallada, waxaana ay imaanayaan Jimcaha.

“Waxaan kaga qayb qaadannay door muhiim ah aniga iyo saaxiibbadeyda, kooxdana waa ay caawinaysaa UNICEF” ayuu hadalkiisa ku sii daray laacibka reer Spain.

Kabtan Ramos ayaa sheegay in Real Madrid ay u ogolaatay in ciyaartoydeedu ka qayb qaataan howlaha bulshada ka caawinaya in laga baxo dhibaatada caafimaad-darro ee dunida ku habsatay.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE