(Europe) 11 Jan 2019. Waxaa dhawaan lagu dhawaaqay kooxda sanadka ee UEFA iyadoona micno wayn u sameysay kooxaha tunka wayn ee Real Madrid iyo Barcelona.

Los Blancos ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxdan oo afar laacib ayaa ugu jirta Modric, Ramos, Marcelo iyo Varane, halka Barcelona ay ku leedahay labo laacib Lionel Messi iyo goolhaye Marc-André ter Stegen.

Haddaba waxay tani ka dhigan tahay in Real Madrid ay hal far dheeraatay Barcelona marka la fiiriyo kooxaha xiddigaha ugu badan ay uga soo muuqdeen shaxda kooxa sanadka ee UEFA.

Real Madrid ayaa ah kooxda ay xiddigha ugu badan uga soo muuqdeen 48 halka Barcelona ay joogto 47.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR