Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa saxaafada u warramay kaddib qaab ciyaareedkiisii musiibada ahaa ee kulankii ay xalay guuldarrada culusi kasoo gaadhay dhigooda Paris Saint-Germain.

PSG ayaa 3-0 kaga guuleysatay Los Blancos kulankii ka dhacay Parc des Princes iyadoo Angel Di Maria uu laba gool ku ciqaabay kooxdiisii hore kahor inta uusan natiijada 3-0 ka dhigin Thomas Meunier.

Courtois ayaa loo arkayay mid doorka ugu weyn kulahaa in saddex gool ka dhashaan kooxdiisa maadaama oo uu ugu yaraan hal gool oo labada gool ee Di Maria ah celin karayay.

Haddaba, Thibaut oo saxaafada u warramay kulanka kaddib ayaa amaan ugu qubeeyay xiddigii PSG guusha siiyay ee Di Maria, Courtois ayaa sheegay in goolkii koowaad uusan helin fursad uu ku celiyo halka uu goolka labaad isaga qudhiisu amaanay.

Goolhayihii hore ee Chelsea ayaa yidhi “Goolkii koowaad isagu (Di Maria) xaqiiqdii birta horteeda waxa uu uga soo laagay si xoogan manaan haysan wakhti aan gacantayda ku hor dhigo goolka labaadna waxa uu kaliya ahaa mid cajiib ah oo diilinta 18-ka yaar ka baxsan”.

“Nin tayadiisa oo kale lehi….. laga yaabaa inaanu wax yar kubadda ku dhawayn laakiin taasi waa kubadda cagta, Waxaan filayaa inuu kulan wanaagsan qaatay laakiin waxaan doorbidi lahaa inaan ciyaartayada falanqeeyo halkii aan diirada ka saari lahaa kuwa kale”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR