Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa soo bandhigay farriimo ay aalada WhatsApp isku dhaafsadeen xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo ay wakhti kusoo wada qaateen Manchester.

Weeraryahanka ree Portugal ayaa markale kor usoo kacay isaga oo shabaqa ku hubsaday saddexley bilaa jawaab ah isla markaana Juve ka caawiyay inay dhaafto Atletico Madrid oo wareegii hore 2-0 kaga soo guuleysatay.

Ronaldo ayaa isha ku haya inuu ku guuleysto Champions League markii afraad oo xidhiidh ah iyo inuu abaarta ka saaro Juventus kuna guuleeyo tartanka markii ugu horreysay tan iyo 1996-kii.

Evra oo sidoo kale usoo ciyaaray kooxda Juventus dhawaan ayaa Ronaldo farriinta kaga baryaya inuu soo saaro Bianconeri isaga oo Ronaldo bixiyay jawaab cajiib ah oo kalsooni leh sheegayna inay jiidhi doonaan Atleti.

Evra ayaa farriinta ku odhanaya  marka hore “Walaal adiga ayaan kugu xisaabtamayaa soo laabashada Champions League, Anigu waligay kaama shakiyin dadkuna way i dilaan markasta oo aad adigu guuldaraysato ama Juventus”

Ronaldo ayaa Evra ugu jawaab celinaya “Waan ogahay, Waanu gudbaynaa walaal, Gurigeena waanu ku burburin doonaa”

Kaddib Evra ayaa yidhi “Haa dhab ahaantii…. Viva Ronaldo” Isaga oo CR7 markiisa kusoo falceliyay qoraal qosol ah kuna yidhi “Ahahaha”

“Walaalkayow dareen kalsoonida, U Duceeya Atletico” Ayuu Evra kusoo xidhay wada sheekaysigan cajiibka ah ee kahor kulankii weynaa ee toddobaadkan.

Ronaldo and Evra

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR