Weeraryahanka kooxda Liverpool Daniel Sturridge ayaa la sheegayaa in uu iska diiday lacago waali ah oo uu ugu dhaqaaqi lahaa horyaalka China Super Ligue dhamaadkii isbuucii hore.

27 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore Liverpool usaftay kaliya 7 kulan ka dib markii uu uu soo gaaray dhaawac dib u dhigay xirfadiisa ciyaareed.

Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in uu xiddigaan iska diiday dalab kaga yimid kooxda Beijing Guoan oo uu tababare u yahay macalinkii hore ee Bayer Leverkusen Roger Schmidt, isagoona isku dayay in uu weeraryanka la soo saxiixdo.

Ita uusan xirimin suuqa kala iibsiga China Jimcadii Sturridge ayaa iska diiday dalab waali ahaa oo uu ugu dhaqaaqi lahaa horyaalka China Super Ligue.

Xiddigaan ayaa horay waxaa loola xariirinayay kooxo ka dhisan England oo ay kujirto Westham United

ciyaaryahanka xulka qaranka Ingiriiska Usaftay 25 jeer ayaa kooxda Liverpool waxa uu u dhaliyay 46 gool isagoo usaftay in ka badan 89 kulan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR