Dowladda Kenya ayaa sheegtay arbacadii shalay inay dishay saddex dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib dagaal ku dhexmaray deegaanka Buulo Xaaji.

Wasaaradda Difaaca dalka Kenya war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Amisom inay fuliyeen hawlgalkaasi ayna soo qabsadeen laba qori oo Ak47 ah.

Afhayeenka Ciidanka difaaca dalka Kenya Colonel Paul Njuguna, ayaa sheegay ciidankooda oo ku jira hawlgal roondo ah inay weerar kala kulmeen Shabaab, balse weerarkaasi Shabaab uu khasaare ka soo gaaray.

Afhayeenka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Shabaab ee Sonaliya & Kenya ka dagaalama.

Shabaab ayaa beegsada xeryaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR