(Barcelona) 16 Maajo 2018 Kubadd abuuraha kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa lagu arkay magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Durba shaki badan ayaa laga muujiyay tagida Kevin De Bruyne uu tagay magaalada Barcelona maadaama uu diirada u saaran yahay kooxda tababare Valverde.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday sababta ka danbaysa in Kevin De Bruyne uu tago magaalada Barcelona kadib markii uu kooxdiisa kula dabaal dagay hanashada Premier League.

Wargayska ayaa cadeeyay in Kevin De Bruyne uusan u joogin magaalada Barcelona sabab la xiriirta suuqa kala iibsiga balse xiddiga ayaa fasax gaaban kula qaadanaya magaaladaas qoyskiisa ka hor koobka adduunka.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Kevin De Bruyne uu booqdo Barcelona, xiddiga ayaa tagay magaaladaas 2016 xili ay wada socdeen isaga iyo kabtanka Man City ee Vincent Kompany.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR