Khabiirka kubada cagta ee Robbie Savage ayaa sameeyay
saadaashiisii ugu dambaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

8 Kulan oo kaliya ayaa ka hadhay dhamaadka xilli
ciyaareedkan iyada oo kooxaha ugu sareeya ay si aad ah isugu dhaagn yihiin.

Kooxaha Man City iyo Liverpool oo ku dagaalamaya
hanashada horyaalka premier League ayay kaliya hal dhibic u dhexaysaa.

Dhanka kale kooxaha Tottenham, Arsenal, Man United iyo
Chelsea oo ku dagaalamaya 2-da boos ee soo hadhay ayay kaliya 4 dhibcood u dhexeeyaan.

Robbie Savage ayaa saadaaliyay xitaa dhibcaha ay heli
doonaan kooxaha ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Khabiirkan ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Tottenham iyo
Chelsea ka hadhi doonaan tartanka loogu jiro champions League xilli ciyaareedka
dambe.

Halka uu si la yaab leh u saadaaliyay in ay Man United
kaalinta 3-aad ka soo gali doonto kala saraynta premier Legue.

Man City ayuu u saadaaliyay hanashada horyaalka isaga oo
sheegay in ay hal dhibic kaga qaadi doonto kooxda kaalinta 2-aad ee Liverpool.

Manchester City – 98

Liverpool – 97

Manchester United – 77

Arsenal – 76

Tottenham – 75

Chelsea – 74

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR