Kadib kulamadii xiisaha badnaa ee Champions League iyo waliba kulamada caawa la ciyaarayo ee Europa League waxaa kadib diirada si buuxda loogu soo jeedinayaa kulamada lixaad ee horyaalka Premier league.

Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa saadaashiisii todobaadkan bixiyay ee natiijada kulamada lixaad ee Premier  League.

Kulamada lixaad ee Premier League waxay bilaamayaan jimcaha waxaana lagu bilaabi doonaa kulanka kooxaha Southampton iyo Bournemouth waxayna axada ku dhamaan doonaan kulanka Arsenal iyo Aston Villa.

Khabiirka Sky Sports ayaa kulanka ugu xiisaha badan kulamada lixaad ee Premier League ee dhex mari doona Chelsea iyo Liverpool waxa uu ku saadaaliyay barbaro 2-2 ah taas oo haddii ay dhab noqoto noqon karta ciyaartii ugu horaysay ee ay Reds dhibco lumin doonto.

Laakii Charlie Nicholas ayaa guul cidhiidhi ah u saadaaliyay Man City oo hore ay guuldaro uga soo gaadhay kooxda Norwich Cith halka Man United uu u saadaaliyay guuldaro ka soo gaadhi doonta West Ham United.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo saadaasha natiijooyinka kulamad lixaad ee Premier League ee uu bixiyay khabiirka Sky Sports e Charlie Nicholas.

Kulanka Jimcaha Iyo Saadaasha Charlie Nicholas

Southampton 3-2 Bournemouth

Kulamada Sabtida Ee Premier League Iyo Saadaasha Charlie Nicholas

Leicester 2-1 Tottenham

Burnley 2-0 Norwich City

Everton 1-0 Sheffield United

Man City 1-0 Watford

Newcastle 3-1 Brighton

Kulamada Axada Ee Premier League Iyo Saadaasha Charlie Nicholas

West Ham 2-1 Man United

Crystal Palace 0-1 Wolves

Chelsea 2-2 Liverpool

Arsenal 4-2 Aston Villa

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR