Xasan Cali khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan la qaatay Maamulada Degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow, kaasi oo looga hadlayey xaaladaha ka jira Gobolka Bakool.

Maamulka Degmada Xudur iyo Odayaasha ayaa Madaxda kala hadlay Dardar gelinta hawlaha dib u xuraynta deegaannada hoosyimada Degmada iyo sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka,Shaqo Abuurka Dhalinyarada iyo sidii looga Qeyb qaadan lahaa Dib u xureynta Guud ee Gobolka Bakool.

Maamulka iyo Odayaasha Dhaqanka Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow ayaa sidoo kale Madaxda kala hadashay sidii Degmooyinkaas looga saari lahaa Shabaab oo gacanta ku haya degmnooyinka ay Guddoomiye-yaasha ka yihiin.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballanqaaday inay wax ka qaban doonan Arrimaha Waxbarashada,Cafimaadka iyo Shaqa la’aanta Jirta,waxaana sidoo kale uu  sheegay in Muhiimada Koowaad la siiyo sidii looga Shaqayn lahaa Amniga Gobolka Bakool kan Dowlad ahaan ay wax ka qaban doonaan tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Ugu dambeen Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa Masuuliyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka uu kula dardaarmay inay Xoojiyaan Hanashada Ammaanka Guud Gobolka Bakool si dadka ku nool ay nabad ugu wada noollaadaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR