(Liverpool) 21 Sab 2018. Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa qaaday olole uu ku difaacayo xidiga xulka Masar ee Mohamed Salah, ka dib markii uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa kulamadii ugu dambeeyay.

“Ma jiraan wax dhibaato ah ee heysata Mohamed Salah, xili ciyaareedkii lasoo dhaafay sidoo kale wuxuu u baahday waqti ku filan si uu wax fiican u sameeyo, si la mid ah xili ciyaareedkan”.

“Salah wali waa halista ugu badan ee kooxda Liverpool, labadii kulan lasoo dhaafay si wanaagsan ayuu u ciyaaray una difaac tamay”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in Mohamed Salah ayaa wuxuu dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 2 kale tan iyo bilawga xili ciyaareedkan cusub ee 2018/2019.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR