(Liverpool) 18 Oct 2019. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa iska diiday inuu hoos u dhigo Manchester United, kahor kulanka ay ku booqan doonaan garoonka Old Trafford, isagoo dhinaca kale sheegay in xiddigaha Reds ay diyar u yihiin kulanka soo aadan.

Manchester United ayaa Axada ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Old Trafford kooxda Liverpool, si ay u wada ciyaaraan kulanka ugu adag toddobaadka soo socda horyaalka Premier League.

Yeelkadeeda, Jürgen Klopp ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka adag la wada sugayo ee ka dhici doono garoonka Old Trafford wuxuuna yiri:

“Waan ogahay in Manchester United ay xaalad wanaagsan ku sugnaan doonto kulanka Axada soo aadan, inkastoo aan ka war qabno natiijooyinkii lasoo dhaafay”.

“Waa inaan ogaano hadii Manchester United ay rabto inay isbedel ku sameyso xilli ciyaareedkeeda isbuuc kaddib, laakiin waxaan nahay kuwa aad u deggan oo hammi leh”.

“Laakiin dhamaan kulamada horyaalka Premier League waa kuwo aad u xoogan, waxaan u ixtiraameynaa kooxda naga soo horjeeda sida ugu fiican”.

Intaas kaddib Jürgen Klopp ayaa wuxuu ka hadlay xaalada ciyaartoydiisa kaddib kulamadii caalamiga ahaa wuxuuna yiri:

“Xaaladda way fiican tahay, laakiin waa inaan ogaanaa, waxaan heysanaa labo tababar, waana inaan aragnaa wax walba, kaddib go’aan ayaan gaari doonaa”.

“Dhamaan ciyaartooydii ka qeyb gashay kulamadii caalamiga ahaa, waxay ku soo laabteen xaalad wanaagsan waana arrin aad muhiim u ah”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR