(Yurub) 13 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee kaga qeyb galaya kulanka UEFA Super Cup-ka ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonaan Chelsea.

Waxaa la qorsheenayaa in kooxda Liverpool ay u safarto maanta oo Talaado ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay isugu diyaariyaan halkaas kulanka UEFA Super Cup-ka ay habeen dambe Arbacada kula ciyaari doonaan Chelsea garoonka Vodafone Park.

Waxaan ku soo bixin liiska xiddigaha uu u magacaabay tababare Jürgen Klopp kulanka UEFA Super Cup-ka ciyaartoyda kala ah Dejan Lovren iyo Alisson Becker oo dhaawac ku maqan.

Haddaba halka hoos kaga boggo liiska xiddigaha Liverpool uu magacaabay tababare Klopp oo dhameystiran:

Fabinho – Virgil van Dijk – Milner – Milner – Naby Keita – Firmino – Sadio Mane – Mohamed Salah – Joe Gomez – Adrián – Henderson – Chamberlain – Adam Lallana – Lonergan – Shaqiri – Brewster – Robertson – Origi – Matip – Hoever – Kelleher – Alexander-Arnold – Elliott.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR