(Yurub) 13 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la kulmay war naxdin leh inta lagu gudi jiray tababarkii ugu dambeeyay ee Reds, kahor inta aysan Chelsea ku wada ciyaarin habeen dambe koobka UEFA Super Cup 2019.

Wargayska “The Times” ayaa sheegay in xiddiga reer Guinea ee Naby Keita uu awoodi waayay inuu dhameeyo tababarkii ugu dambeeyay Reds, kahor inta aysan Chelsea ku wajihin koobka UEFA Super Cup 2019 habeen dambe.

Wargayskan reer England oo ah mid lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Naby Keita uu dareemay xanuun dhanka muruqa ah, kaasoo kahor istaagay inuu dhammeystirto tababarka, wuxuuna isaga baxay garoonka.

Naby Keita ayaa waxaa dib ugu soo laabtay dhaawac ka soo gaaray inta uu matalayay xulkiisa qaranka Guinea koobka qaramada Afrika, iyadoo ay iska cadahay in markale uu la kulmay dhaawac cusub.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa habeen dambe ee Arbacada ah ku dagaalami doona garoonka Vodafone Park magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib markii ay labada kooxood ku soo wada guuleysteen tartamada Champions League iyo Europa League sida ay u kala horeeyaan.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR