(Liverpool) 10 Agoosto 2018. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa halkiisa kasii waday inuu difaaco olalahiisa suuqan xagaaga.kadib markii uu ku bixiyay lacago badan.

Liverpool ayaa £ 177.2 milyan oo ginni ku iibsatay saxiixyada lix ciyaaryahano cusub, Reds ayaa ku bixisay saxiixa Alisson Becker aduun dhan 65 milyan ginni.

Naby Keïta ayay sidoo kale ku bixiyeen saxiixiisa qiimo dhan 55 milyan ginni, waxayna kalsoo saxiixdeen kooxda RB Leipzig, si la mid ah saxiixa Fabinho ayay ku bixiyeen 44 million pounds. Sidoo kale Xherdan Shaqiri ayay kooxda Reds lasoo saxiixatay suuqan xagaaga.

“Fikradaheyga qaaska marwalba waa heer sare, rajadeyda xili kasta waa inaan gaarno heer sare, laakiin xili kasta ma shaqeyn kartid”.

“Waxaan u maleynayaa in ay ahayd wax iska caadi ah in aan helno meel aan lacag badan ku qarashgareyno”.

“Sanadihii ugu danbeeyay, waxaan fadhiyay halkan si aan u difaaco siyaasadeena suuqa, waxaan iibinay ciyaartoy badan waana inka badan inta aan lasoo wareegnay”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR