Kooxda Arsenal ayaa heshis shan sanadood ah la gaadhay difaaca reer France iyo kooxda St Étienne ee William Saliba waxayna Gunners saxiixa 18 sano jirkan sida wayn loo qiimo kaga hor martay Man United iyo Man City.

Unai Emery ayaa suuga ugu jira in uu kooxdiisa ka soo xoojiyo difaaca halkaas oo ay aad ugu liiteen xili ciyaareekdii la soo dhaafay waxayna hadda gunners u muuqdaan kuwo gacanta ku dhigay William Saliba.

Kooxaha Manchester United, Manchester city iyo waliba kooxda Jarmalka ah ee Borussia Gladbach ayaa xidhiidh la sameeyay kooxda St Étienne waxayna dhamaantood diwaan galiyeen xiisaha ay u qabaan William Saliba.

Heshiiska William Saliba ee kooxdiisa St Étienne ayaa dhacaya 2023 waxayna koox kasta oo xidigan la wareegi kartaa ku qasban tahay in ay bixiso lacag u dhexaysa 25-30 milyan yuro kaas oo ah qiimaha ay kooxda St Étienne dul dhigtay Saliba.

Arsenal oo hadda heshiiska shaqsiga ah oo shan sanadood ah la gaadhay William Saliba ayaa u baahan in ay la fadhiisato kooxdiisa St Étienne si ay heshiiskiisa u dhamaystiri karaan inta ayna kooxaha kale ee xiisaynayaa tartanka ku sii xoojin.

Kooxaha premier league oo kaliya kuma koobna kooxaha ku tartamaya saxiixa William Saliba balse waxaa jira kooxo ka tirsan horyaalka Talyaaniga oo xiisaynaya sidii ay ula soo wareegi lahaayeen William Saliba.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay Arsenal dhamaystiri karto heshiiska shanta sanadood ah ee ay la gaadhay William Saliba balse waxay marka hore ku qasban yihiin in ay kooxdiisa  St Étienne ay heshiis buuxa la gaadhaan.

Arsenal ayaa badalka Laurent Koscielny ka dhiganaysa William Saliba waxayna Gunners u furan tahay in ay haddii ay William Saliba hesho uu Laurent Koscielny kooxda ka bixi karo xagaagan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR