(Barcelona) 09 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay hoggaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa Weeraryahanka kooxda Red Bull Salzburg ee Erling Haaland.

Kaddib markii uu dhaliyey 19 gool 16 kulan oo uu u saftay kooxda Austria, ciyaaryahan Haaland ayaa noqday mid ka mid ah kuwa loogu doonista badan yahay kubadda cagta Yurub.

Manchester United, Juventus iyo Real Madrid ayaa la sheegay inay doonayaan saxiixa 19-sano jirkaan, kaasoo la arko inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa uu haatan ka tirsan yahay.

Yeelkeede, sida ay warinayaan wararka laga helayo gudaha dalka Spain, kooxda Barcelona waxaa hadda loo arkaa inay tahay halka ugu badan ee uu ku tagayo laacibkan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga.

Inkastoo kooxda reer Catalan lagu soo waramayo in ay u baahan tahay in ay xiddigo iibiso ka hor inta aysan wax iibsan, kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa isha ku haysa inay sugto bedelka mustaqbalka fog ee Luis Suarez.

Haaland ayaa weli haysata afar sanadood oo uga harsan heshiiska uu kula joogo kooxdiisa haatan uu ka tirsan yahay ee Salzburg.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR