(London) 25 Mar 2020. Majaladda Football London ayaa warrinaysa in kooxda Chelsea ay rajo wacan ka qabto la soo saxiixashada goolahayaha kooxda Barcelona ee Marc-Andre Ter Stegen, maadaama uu ka caga-jiidayo inuu qalinka dul dhigo heshiis cusub.

Heshiiska Barca ay u soo bandhigtay Ter Stegen ayaa ku kacayay mushahar dhan 6 milyan oo gini sanadkii, hase ahaatee Wargeyska Sport ayaa ku warramaya in xiddigga reer Jarmal uu doonayo mushahar intaas ka badan.

Blues ayaa baadi goob ugu jirta goolhaye cusub, maadaama kalsooni badan aysan ku qaban Kepa Arrizabalaga, waxaana il dhow ay ku hayn doonaan Ter Stegen iyo xaaladda wada hadallada uu ku la jiro kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga.

Image result for Marc-Andre Ter Stegen Chelsea

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE