Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa maanta soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad iyo middeeda tababarka ay ku samayn doonto.

Liverpool ayaa haatan ku sugan magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, halkaasoo ay ku ciyaari doonaan kulamada isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Premier League Asia Trophy.

Kooxda Liverpool maalyaddeeda saddexaad ee ay u diyaarsatay xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18 ayaa midabkeedu uu yahay Oranje, tan goolhayaha ayaana noqonaysa cagaar indho-qabad leh, halka midda ay ku tababaran doonto ay tahay madow.

Maalinta Arbacada ah ayey kooxda Liverpool bilaabi doontaa tartanka Premier League Asia Trophy, waxaana kulankeeda ugu horreeya ay la ciyaari doontaa kooxda Crystal Palace.

VIDEO:

SAWIRRO:

  

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR