(Soomaaliya) 06 Dis 2018. Kulan ciyaareed xiiso badan ayaa galabta wuxuu ka dhici doona garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis, kaa oo u dhaxeeyay Kooxda Melbourne ee jaaliyada Soomaaliyeed  dalka Australia  iyo Xidigaha Gobolka Banaadir.

Kooxda jaaliyada magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa maalintii shaley aheyd soo caga dhigatay Caasimada magaalada Muqdisho iyaago si heer saro loo soo dhaweyay, waxaana soo dhaweynta xidigahan ka qeyb galay,Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isboortiga oo ay horkaceyso Wasiirka Wasaarada Marwo  Khadiija Maxamed Diiriye,  Gudoomiyaha Gobolka Banadir  ahna duqa magaalada muqdisho  Mudane  Eng Cabdiraxmaan Yariiso , gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta soomaaliyed  mudane Cali Shiine, Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Gobolka Banadir Marwo Basmo, Talyaha Ciidanka  asluubta Soomaaliyed Mudane  Bashiir Maxamed Jaamac, Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banadir Mudane Xasan Wiish Iyo Masuuliyeen kale.

Ka hor inta aysan imaan magaalada Muqdisho waxey kulan saaxiibtinimo la soo ciyaareyn koox ka dhisan magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Xidigahan matalaya jaaliyada  magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa galabta waxey dheeli doonan kulankooda ugu horeya ee saaxiibtinimo iyado la ciyaari doona xidigaha sanadkan matali doona Gobolka Banadir.

Sida uu inuu xaqiijiyay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banadir Mudane Xasan Wiish ciyaartoydan ayaa baaqi ku sii ahaan doona caasimada Magaalada Muqdisho mudo 10-maalmood.

Ciyaartoyda Jaaliyada magaalada Melbourne  ee dalka Australia inta ay joogan caasimada magaalada muqdisho waxey kulamo saaxiibtinimo  la yeelan doonan Kooxaha kala ah, Xidigaha Gobolka Banadir oo ay maanta la dheeli doonan, Degmada karaan oo xili habeen ay wada ciyaari doonan iyo kooxda Midnimo, saddexdaas kooxod ayee wajihi doonan mudada 10-ka maalmood ay joogan dalka.

Kadib waxey u amba bixi doonan  magaalada Beydhabo  ee  caasimada Gobolka Bay.

Ma ahan markii ugu horeysay ay kooxdan imaato caasimada magaalada Muqdisho sanadkii hore aye timid iyado kulamo saaxiibtinimo la qaadatay kooxaha dalka.

Ogeysiis kulanka:

Tartanka: Friendly Mach

Kooxaha:  Xidigaha Gobolka Banadir vs  Ciyaartoyda Jaaliyada Magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30.

W/Q: C/fitaax Naani

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR