Naadiga ka dhisan caasimada Spanishka ee Real Madrid ayaa ka hadashay kiiska kufsiga ah ee lagu soo eedeeyay Ciyaaryahankoodii hore.

Gabadha reer mareeykan ee Kathryn Mayorga ayaa sheegtay in Cristiano uu kufsaday sanadkii 2009 xilli ay wada joogeen hotelka caanka ah ee Palms Hotel kaasi oo ku yaala magaalada Las Vegas.

Wargeeyska reer Portugal ee corroie de manha ayaa ku dooday in kufsiga Ronaldo lagu heeysto uu dhacay kadib markii uu ku biiray kooxda Real Madrid.

Sikastaba Los Blancos ayaa war saxaafadeed kasoo saartay wargeeyska reer Portugal waxyaabaha uu daabacay.

War saxaafadeedka Real Madrid waxaa kamid ahaa in wargeeyska reer Portugal uu meel kaga dhacay sharafta kooxda sidoo kalena uu daabacay warar been abuur ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR