Sevilla ayaa AC Milan kala heshiisay saxiixa xidiga weerarka kaga ciyaara Portugal ee Andre Silva kaas oo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay aan bandhig wacan kasmayn San Siro.

Warsidaha reer Spain ee AS ayaa ku warramaya in labadan koox ay ku heshiiyeen in xidigan uu kooxda ka ciyaarta LA Liga uu ugu dhaqaaqo qaab amaah ah oo uu hal xilli ciyaareed kuqadanayo Spain.

Xidigan da’da yar oo ay Milan kala soo saxiixatay FC Porto xilli ciyaareedkii hore ayaan kooxda umuujin bandhig loogu aamini karo booska koobaad ee weerarka isaga oo xilli ciyaareedki hore inta badan kasoo kacayay kursiga kaydka.

Milan ayaa waqtigan suuqa kasamaysay saxiix wayn kadib markii ay kooxda keeneen Gonzalo Higuain kaas oo kaga yimid Juventus, weeraryahankan reer Argentine ayaana loo arka mid dabooli kara baahida weerar ee AC Milan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR