Dabcan waa xilli hore haddii haatanba laga sii hadlo xilli ciyaareedka dambe iyo waxyaabaha dhici kara balse tababaraha magaca weyn ku dhex leh carriga England ee Harry Redknapp ayaa sii saadaaliyay kooxda hanan doonta Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaareedkii dhawaa ayay Final-ka tartankaas isku arkeen kooxaha ree England ee Tottenham iyo Liverpool waana markii ugu horreysay ee laba kooxood oo England ahi ay tartankan ku kulmaan tan iyo 2008 oo ay Man United iyo Chelsea isku arkeen.

Si kastaba, Kulankaas ayay guushu ugu dambayn 2-0 ku raacday kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool oo iyadu markeedii lixaad taariikhda tartankan kor u qaaday iyo markeedii koowaad ee tan iyo sanadkii 2005.

Haddaba, Kaddib qaabkaas cajiibka ah ee ay kooxaha Premier League usoo qabsadeen Final-ka CL, Harry Redknapp ayaa markale bixiyay saadaal ka farxisay kooxaha dalkiisa.

Tababarihii hore ee Tottenham ayaa sheegay in Barcelona aysan sideedii hore u fiicnayn isla markaana ay kooxda kale ee ree Spain ee Real Madrid ku jirto wakhti hoos u dhac ah.

Harry ayaa aaminsan in Manchester City oo uu hoggaaminayo tababare Pep Guardiola ay ku guuleysan doonto Champions League 2019-20 sida ay saadaashiisu tahay.

Redknapp ayaa yidhi “Waxaan xaqiiqdii filayaa in sanadahan yar Champions League uu noqon doono mid loo sameeyo kooxaha English-ka ah”

“Waxaynu haysanaa Man City xilli ciyaareedka xiga, Iyaga ayaan sawiranayaa sanadka dambe, Waxaan filayaa inay tahay markoodii ay ku guuleysan lahaayeen”

“Haddii aan haatan ku sharadtami lahaa guuleystayaasha xilli ciyaareedka dambe (Ee Champions League) waxaan dooni lahaa inaan ahaado dhinaca Man City”

“Waxaan filayaa inay aniga iila muuqato in Real Madrid ay ku jirto hoos u dhac, Barcelona uma muuqato wixii ay ahaayeen, Liverpool waxay muujisay inay iyagu (Barcelona & Madrid) yihiin waxaan laga cabsan”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR