Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee xalay dil
ka geysatay xaafada Baramuudo ee degmada Hodan, iyadoo halkaasi lagu dilay qof
kamid ahaa Shaqaalaha gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan, Ninka la dilay waxa uu kamid ahaa
dadka ka shaqeeya Waaxda Axmed Gureey, waxaana xiliga la tooganayay uu ku
sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala aagga Masjidka weyn ee Sheekh
Maxamed Abgaaloow.

Kooxihii dilka geystay oo tiradodoa lagu sheegay laba
dhalinyari ah ayaa durba goobta isaga cararay waxaana halkaasi tagay Ciidamo
Boolis ah oo sameeyay howlgalo baaritaano ah, wallow ay ku guul dareysteen iney
gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha.

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada
ee C.I.D. oo Sawirran looga qaado meydadka dadka xabada lagu dilo.

Waaxda Axmed Gureey ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee
Kooxaha Bistooladaha la carara ay dilalka ka geystaan, iyadoo hore loogu dilay
Gudoomiyihii dhalinyarada degmada Hodan iyo Saraakiil kale, mana jirto wax
qorshe ah oo laamaha amaanka degmada uga degsadeen arrimahan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR