(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa marti galin doonta xafladda lagu bixinayo abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or.

Tani waxa ay noqon doontaa markii 64-aad oo abaal-marintan la bixin doono, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii.

Waxaa la bixin doonaa abaal-marintan marka ay caawa saacadda Geeska Afrika tilmaameyso 9:30 daqiiqo waxaana marti galin doonta Magaalada Paris iyadoo lagu qaban doono Theatre du Chatelet.

Luka Modric ayaa sanadkii ugu dambeeyey abaal-marintan ku guuleystay isagoo ku garaacay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo abaal-marintan wadaagayey 10-kii sano ee ka horreysay 2018, iyadoo mid kastaahi uu ku guuleystay shan goor.

Marka la eego xafladda abaal-marinta sanadkan 2019 lagu bixinayo caawa Messi ayaa la saadaalinayaa inuu markiisii lixaad abaal-marintan gacanta ku dhigi doono, isla markaana uu ku garaaci doono daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk.

Xiddiga reer Holland ayaa kaalin mug leh ka qaatay kooxda Jurgen Klopp tan iyo markii uu kaga soo biiray Southampton bishii Janaayo ee sanadkii 2018, waxaana uu ka caawiyey inay ku guuleystaan markoodii lixaad Koobka horyallada Yurub ee Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Barcelona wuxuu ku guuleystay abaal-marinta FIFA Best ee Ragga bishii Sebtember, isla natiijadan ayaa la filayaa inuu markale gacanta ku dhigo caawa abaal-marinta Ballon d’Or.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa sida loogu kala guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or & Saddexda xiddig ee isugu soo hartay tartanka abaal-marintan laga soo bilaabo sanadkii 2000 illaa 2018:-

Ballon d’Or 2000

  1. Luis Figo (Barcelona and Real Madrid)
  2. Zinedine Zidane (Juventus)
  3. Andriy Shevchenko (AC Milan)

Ballon d’Or 2001

  1. Michael Owen (Liverpool)
  2. Raul (Real Madrid)
  3. Oliver Kahn (Bayern Munich)

Ballon d’Or 2002

  1. Ronaldo (Inter Milan and Real Madrid)
  2. Roberto Carlos (Real Madrid)
  3. Oliver Kahn (Bayern Munich)

Ballon d’Or 2003

  1. Pavel Nedved (Juventus)
  2. Thierry Henry (Arsenal)
  3. Paolo Maldini (AC Milan)

Ballon d’Or 2004

  1. Andriy Shevchenko (AC Milan)
  2. Deco (Porto and Barcelona)
  3. Ronaldinho (Barcelona)

Ballon d’Or 2005

  1. Ronaldinho (Barcelona)
  2. Frank Lampard (Chelsea)
  3. Steven Gerrard (Liverpool)

Ballon d’Or 2006

  1. Fabio Cannavaro (Juventus and Real Madrid)
  2. Gianluigi Buffon (Juventus)
  3. Thierry Henry (Arsenal)

Ballon d’Or 2007

  1. Kaka (AC Milan)
  2. Cristiano Ronaldo (Manchester United)
  3. Lionel Messi (Barcelona)

Ballon d’Or 2008

  1. Cristiano Ronaldo (Manchester United)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Fernando Torres (Liverpool)

Ballon d’Or 2009

  1. Lionel Messi (Barcelona)
  2. Cristiano Ronaldo (Manchester United and Real Madrid)
  3. Xavi (Barcelona)

Ballon d’Or 2010

  1. Lionel Messi (Barcelona)
  2. Andres Iniesta (Barcelona)
  3. Xavi (Barcelona)

Ballon d’Or 2011

  1. Lionel Messi (Barcelona)
  2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  3. Xavi (Barcelona)

Ballon d’Or 2012

  1. Lionel Messi (Barcelona)
  2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  3. Xavi (Barcelona)

Ballon d’Or 2013

  1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Franck Ribery (Bayern Munich)

Ballon d’Or 2014

  1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Manuel Neuer (Bayern Munich)

Ballon d’Or 2015

  1. Lionel Messi (Barcelona)
  2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  3. Neymar (Barcelona)

Ballon d’Or 2016

  1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

Ballon d’Or 2017

  1. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
  2. Lionel Messi (Barcelona)
  3. Neymar (Barcelona and Paris Saint-Germain)

Ballon d’Or 2018

  1. Luka Modric (Real Madrid)
  2. Cristiano Ronaldo (Juventus)
  3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

Ballon d’Or 2019…caawa………?

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR