(Real Madrid) 05 Dis 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay wareysi uu dhawaan la yeeshay laacibka khadka dhexe reer Croatia Luka Modrić.

Xidiga kooxda Real Madrid ayaa dhawaan loo caleymo saaray abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka ay si gaar ah u bixiso majalada France Football ee Ballon d’Or 2018 isagoo ku garaacay xidigaha Cristiano Roanaldo iyo Antoine Griezmann.

Luka Modrić ayaa qaatay sanad cajiib ah, kadib markii uu sanadkan ku wada guuleystay abaal marinada kala ah FIFA The Best, sidoo kale laacibka ugu fiican yurub, laacibkii ugu fiicnaa koobka aduunka iyo Ballon d’Or 2018.

Hadaba Luka Modrić ayaa wareysigan uu dhawaan bixiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa:

“Wadada waa mid aad iyo aad u adag, lakiin taasi waa sababta aan ugu faraxsanahay, wax walba ee aniga igu dhacaya haatan, dhamaan abaal marinada ay ka mid yihiin FIFA The Best iyo Ballon d’Or 2018, waxaan ogahay inaysan jirin cid wax i siisay, wax walba waxaan ku gaaray shaqada adag ee aan qabtay”.

Modrić ayaa kula guuleestay kooxda Real Madrid 4 jeer tartanka Champions League ah, mudada 5-tii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, sidoo kale wuxuu gaaray finalka koobka aduunka 2018 ee ka dhacay dalka Russia.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in dadka ay ugu dambeyntii ogaadeen wax walba ee aan ku soo qaatay kubada cagta, waa run inaan ku guuleystay waxyaabo badan, ay ka mid tahay saddex jeer xiriir ah tartanka Champions League, iyo sidoo kale in Croatia ee ah dal yar aan ku gaarnay finalka koobka aduunka, taasoo ahayd mid aan la qiyaasi Karin, laakiin dadka qaar ayaa ugu dambeynrtii ogaaday in kubada cagta aysan ahayn goolasha oo kaliya”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR