Mogadishu (Midnimo)-Wafdiyo kala duwan oo ka kala socday Dowladda Jarmalka qeybteeda horumarinta oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeesheen Madaxda Jubbaland.

Kulamada ayaa intii ay socdeen waxaa diirada lagu saaray horumarka degaanka iyo mashaariic kor loogu qaadayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay wafdiga ka socda Jarmalka, wuxuuna sheegay Jarmalka mar walba in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarka Jubbaland.

Wuxuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Jarmalka in Jubbaland ay si gaar ah uga gacansiineyso arrimaha ammaanka, dib u dhiska, Mashaariicda horumarineed ee Kalluumeysiga, iyo Beeraha.

Comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR