(Spain) 22 Maajo 2020. Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa ku warramaya in laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Barcelona ee Arthur Melo uu diyaar u yahay inuu hir-galo heshiiska is dhaafsiga ah ee ay kooxaha Barca iyo Juventus ku doonayaan inay isku weedaarsadaan 23-jirkan iyo Miralem Pjanic.

Laacibka reer Brazil ayaa lala xiriirinayay inuu udub dhexaad u noqdo qorshaha kooxdiisa ay kusoo qaadaneyso xiddigii hore ee kooxda AS Roma, balse waxa uu dhowr jeer kusoo celiyay rabitaankiisa ku aaddan sii joogista Camp Nou.

Inkastoo wararka ka imaanayay dhowaanahan wargeysyada Talyaaniga iyo kuwa Spain ay sheegayeen in Arthur uu diiday ka tagista Barca, haddana wargeyska ka soo baxa magaalada Milan ee La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in kubbad qaabeeyahan uu ugu dambeyn albaabada u furay ku biirista kooxda Turin ka dhisan.

Arthur talks again: "My signing by the Barça was about to to break"

Wada-xaajoodka labada koox ayaa maraya meel wacan, waxaana harsan inay isku af gartaan dhammeystirka heshiiskan is weedaarsiga ciyaartoyda ah kaddib dhibaatada dhaqaale ee kooxahan kala kulmeen xanuunka dunida cuuryaamiyay ee coronavirus.

Arthur ayaa Blaugrana u saftay 16 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay saddex gool, saddex kalena caawiyay.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka Bianconeri ee Maurizio Sarri ayaa diyaar u ah in Pjanic uu is dhaafiyo, balse Juventus ayaa ku adkeysatay in laacibka Bosnian-ka ah aysan fasixin illaa ay ka helaan Arthur Melo.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE