Kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt oo ay si waali ah u ugu dagaalamayaan kooxaha yurub ugu waa wayni ayaa bixiyay go’aankiisa uu qaatay wuxuuna u sheegay ciyaartoy ka tirsan koox dalka Holland ka ciyaarta wuxuuna muujiyay in uu haddaba ogyahay halka uu ka ciyaari doono xili ciyaareedka soo socda.

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Matthijs de Ligt waxaa ugu horeeya Barcelona, Bayern Munich, Real Madrid, Jvuentus, Liverpool iyo PSG laakiin wali waxaa jira kooxo intan ka badan oo rajaynaya in ay dagaalka qayb ka noqdaan laakiin xogta uu ciyaartoygani bixiyay waa mid muujinaysa in ay kooxo badani quusan doonaan.


Xidiga kooxda Willem II ee Pol Llonch ayaa soo bandhigay su’aal uu waydiiyay Matthijs de Ligt iyo wajaabtii uu bixiyay wuxuuna cadeeyay in uu De Ligt uu doonayo in uu Barcelona ku biiro taas oo la micno ah in uu Frenkie De Jong kula midoobi doono Camp Nou.

Xidiga kooxda Willem II ee Pol Llonch oo ka hadlaya su’aashii uu De Ligt waydiiyay ayaa yidhi: “Waxaan isaga si toos ah u waydiiyay haddii uu ku dhamaysanayo u saxiixista Barcelona wuxuuna ii sheegay in uu ku rajo wayn yahay sidaas, laakiin aanu waqtigan waxba ogayn”.


Dhawaan ayay ahayd markii uu tababaraha kooxda Ajax ee Erik Ten Hag  uu shaaciyay  in Matthijs de Ligt uu dhamaadka xili ciyaareedkan uu kooxdiisa ka bixi doono balse uu ku biiri doono Barcelona ama Bayern Munich taas oo niyadjab ku ahayd kooxaha Real Madrid, Juventus iyo Liverpool.

Erik Ten Hag oo go’aanka De Ligt ka hadlayay ka hadlaya ayaa yidhi: “Wax fursad ahi ma jirto oo uu De Ligt ku sii wadan karo Ajax. Waxaa jira kooxo badan oo isaga xiisaynaya. Waxa uu naga bixi doonaa xagaagan, laakiin anigu ma ogi haddii uu tagi doono Bayern ama Barcelona”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR