Tababarihii hore ee kooxda Celtic ee Ronny Deila ayaa shaaca ka qaaday in uu isku dayay in uu Man City ku qanciyo in ay la saxiixato xiddiga Virgil Van Dijk markii uu joogay Man City.

Laakiin kooxda Man City ayaa iska diiday sababta oo ah waxa ay ku qanacsanaayeen in uuna daafaca reer Holland qaab fiican soo bandhigi karin kulamada waaweyn.

Ronny Deila ayaa Xiddiga Liverpool ee haatan Van Dijk kula shaqeeyay kooxda Celtic xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Tababaraha reer Norway ayaa saadaaliyay in uu Van Dijk maalin ka mid noqon doono daafacyada ugu fiican adduunka.

2 Sano kadib-na waxa uu Van Dijk ku soo biiray Southampton ka hor intii uuna 75 milyan ugu soo biirin Liverpool sanadkii 2018.

Advertisements

Ronny Deila oo haatan tababare u ah koxoda New York City ayaa sheegay in uu mar walba xidhiidh fiican la lahaa kooxda Man City iyo milkiilayaasheeda.

Waxan uu tababarihii wakhtigaas ee Man City hogaaminayay ee Roberto Mancini u soo bandhigay in uu la saxiixdo xiddiga Van Dijk.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa aan isku dayay in aan Man City ku qanciyo saxiixa Van Dijk”.

“Waxa aan ku Idhi, waa in aad la saxiixataan, waxa ay igu yidhaahdeen “Haye, noo sheeg kulan fiican oo tartamada yurub ah oo uu si fiican u ciyaaray kadib waan daawan doonaa waanan la wareegi doonaa”.

“Uma sheegi karin kulan uu yurub ah oo uu si fiican u ciyaaray sababta oo ah ma jirin kulan yurub ah oo uu si fiican u ciyaaray”.

“Mar walba waxa uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigi jiray kulamada Sccotland laakiin hal kulan oo tartamada yurub ah ayuu ciyaaray waana kulan aan la ciyaarnay Inter Milan laakiin Kaadhka Cas ayaa loo taagay”ayuu sii raaciyay.

“Taasi waxa ay ahayd Imtixaanka ugu adag, hadii uu kulankii Inter Si fiican u ciyaari lahaa waxa aan aaminsanahay in ay la wareegi lahaayeen”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE