Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sabtiidii u dabaal degay xaflada arooskiisa ee uu kula aqal galay xaaskiisa Pilar Rubio waxaana magaalada Seville ee dalka Spain looga qabtay xaflad aad u wayn oo ay ka soo qayb galeen ilaa 500 qof oo lagu marti qaaday.

Dad caan ah oo ay kubbada cagta aduunku si wayn uga dhex muuqatay ayaa ka soo qayb galay xaflada arooskii Sergio Ramos iyo Pilar Rubio waxayna inta badan dadka ka soo qayb galay ahaayeen dad lacag ley ah.

kharash badan ayaa ku baxay arooska Sergio Ramos iyo xaaskiisa laakiin kali kumuu ahayn in uu kharashka arooskiisa bixiyo.

Waxaa la ogaaday sababta dhabta ahayd ee mulkiilaha shirkada Amazon ee Jeff Bezos uu u bixiyay qayb ka mid ah kharashkii badnaa ee xaflada arooska Sergio Ramos ku baxay.

Wargayska Diario Sevilla oo ka soo baxa magaalada Seville ee ay xaflada arooska Sergio Ramos ka dhacday ayaa xog ka raadiyay qaban qaabiyaashii arooska Ramos waxayna soo heleen sababta dhabta ah ee uu mulkiilaha ahna madax waynaha shirkada caanka ah ee Amazon ee  Jeff Bezos uu kharash uga bixiyay Ramos.

Haddaba maxay tahay sababta uu Jeff Bezos lacagta kharashka xafladii arooska Ramos u bixiyay?

Sida la xaqiijiyay Sergio Ramos ayaa qayb ka ah barnaamijka shirkada Amazon ee Amazon Prime series kaas oo lagu ururiyo muuqaalada iyo dhacdooyinka ciyaartoyda kubbada cagta ee garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa.

Sidaa daraadeed, xafladii arooska Sergio Ramos waxay ka mid noqonaysaa waxyaabaha banaanka garoonka ah ee sida wayn uga dhex muuqan doona barnaamijka Amazon Prime series, waxayna taasi keentay in mulkiilaha Amazon ee  Jeff Bezos uu bixiyo qayb ka mid ah kharashkii xaflada arooska Sergio Ramos.

Kabtanka Spain ee Ramos ayaa hore u shaaciyay in uu qayb ka yahay barnaamijka Amazon Prime series wuxuuna xajiiyay in aan lagu ururin doonin oo kaliya inta uu garoonka ku jiro balse lagu ururin doono waxyaabaha kale ee noloshiisa gaarka ah la xidhiidha.

Waxaa la filayaa in barnaamijka Amazon Prime series ay ka soo muuqan doonaan Sergio Ramos iyo xaaskiisa Pilar Rubio waxaana la filayaa in ilaa 30 daqiiqo oo ka mid ah xafladii arooskooda lagu soo dari doono Amazon Prime series.

Barnaamijka Amazon Prime series ee ay shirkada Amazon diyaariso ayaa dhamaadka sanadkan lagu baahin doonaa ilaa 200 wadan oo caalamka ah waxaana qayb ka noqon doona goobo caan ah oo magaalada Sevlle ku yaalo oo ay xaflada arooska Ramos ka dhacday.

Sidaa daraadeed, mulkiilaha ahna madax waynaha shirkada Amazon ee Jeff Bezos ayaa Sergio Ramos ka bixiyay qayb ka mid ah kharashkii badnaa ee ku baxay xafladiisii arooska ee 500 qof ka soo qayb galeen.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR