Markii shalay Eden Hazard loo soo bandhigayay jamaahiirta Real Madrid waxaa jirtay hal sheey oo ka maqneyd soo bandhigistiisa waxaana ay aheyd lambarka uu ku ciyaari doono.

Hazard ayaa xirnaa maaliyada cad ee Real Madrid oo dusha ay kaga qoran tahay magaciisa balse aan laheyn wax lambar ah.

Wuxuu Hazard shaaciyay shalay inuu isku dayay inuu helo No.10 oo uu Real Madrid u xirto Luka Modric madaama uu lambarkaas u xirnaa Chelsea.

Hazard ayaa xusay inuu u maray Mateo Kovacic oo uu Modric weydiistay lambarka 10aad, laakiin xiddiga reer Croatia ayaa diiday islamarkaana u sheegay Hazard inuu raadsado lambar kale.

Kooxaha Isbaanishka waxaa kagu yaqanaa inay ciyaartoyda kooxdooda koowaad siiyaan lambaro u dhaxeeya 1 ilaa 25, waxayna taasi la micno tahay in labada lambar ee haatan ka banaan Real Madrid inay yihiin 13 iyo 16.

Balse saadaashu ma ahan in midkoodna uu xiran doono Hazard xilli ciyaareedka danbe, waxayse u badan tahay inuu xiran doono labo lambar midkood.

Kan koowaad No.11 oo uu haatan xirto Gareth Bale kaasoo lala xiriirinayo inuu kooxda ka tagayo xagaagan balse aysan jirin koox dooneysa inay iibsato.

Lambarka labaad ahna kan ugu macquulsan waa No. 7 oo uu xirnaan jiray Cristiano Ronaldo horena u xirnaa halyeeyga Los Blancos Raul.

Laakiin lambarkaas waxaa haatan xiran Mariano Diaz, waxaase la filayaa in kaga qaado oo lagu wareejiyo Hazard iyadoo ay macquul gahay in Mariano amaah lagu diro xagaagan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR