Waxay tahay sheeko ay aad usoo dhaweyn doonaan hadii Arsena Wenger uu isaga tago Arsenal, taasoo uu qabtay sanadkii 1996, waxaana tan iyo xiligaas uu kula guuleystay kooxdaan Woqoyga London ka dhisan koobab badan.

Inkastoo ay sheegayaan taageerayaasha Gunners-ka, in uusan gaarsiini guuulo fiican, hadana Wenger, ayaa rumeysan in kooxda uu la gaaray guulo badan, wuxuuna leeyahay waxaa la gaaray xiligii uu baneen lahaa shaqada Arsenal.

Balse, ninkaan Faransiiska, udhashay ayaa wareysi uu siiyay Talefishinka BeIn Sports, wuxuu ku sheegay in hadii uu helo koobka aduunka, xul uu ku hogaamiyo uu gabi ahaanba uu isaga tagayo Emirates.

Wuxuu yiri: “Hada waxaan helayaa dalabyo badan, oo kooxo ah, balse, aniga ma doonayo taasi waxaan rabaa inaan qabto shaqada xul caalami ah, oo aan ku hogaamiyo koobka aduunka.

Sheekadaan ayaa waxaa lagu macneeyay in Arsena Wenger, uu isaga tegi doono Gunners-ka, hadii uu helo qaran uu hogaamiyo koobka aduunka ee 2018, kaasoo sanadkaan ka dhici doona wadanka Ruushka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR