(England) 08 Okt 2019. Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona suuqii dhawaa ee xagaaga, laakiin Saraakiisha PSG ayaa wadada hor dhigay caqabado badan.

Shabakada caalamigaha ee “Don Balón” ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay ku soo biirtay loolanka loogu jiro xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay qaado talaabo kama dambeys oo lama filaan ah, iyaga oo doonaya inay wada hadalo ku aadan Neymar Jr la yeeshaan kooxda Paris St Germain.

Image result for Neymar To Chelsea

Kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ayaa diyaarsaneysa qiimo lacageed dhan 210 milyan euro, si ay isugu dayaan inay ka dhaadhiciyaan kooxda ka dhisan caasimada Paris inay ka iibiyaan adeega xiddiga reer Brazil.

Wararka ayaa waxay aad u tilmaamayaan in Chelsea ay heysato lacago ku filan oo ay ku iibsan karto adeega Neymar Jr, kaddib muddo sannad ah ay ganaax kaga maqneyd suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda, sababa la xiriira inay ku xad gudubtay sharciga dhaqaala wanaaga.

Laakiin kooxda reer England ayaa la fahsan yahay inaysan si sahlan ku heli doonin adeega xiddiga reer Brazil, maadaama ay tartan adag la gali doonto labada kooxood waaweyn ee dalka Spain Real Madrid iyo Barcelona.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR