(Juventus) 08 Nof 2018. Leonardo Bonucci ayaa fariin kooban u diray saaxiibadiis, taasoo ku saabsan guul darradii kooxdiisa Juventus kasoo gaartay kulankii Manchester United ee ka tirsanaa kulamada afaraad ee tartanka Champions League.

Kooxda Juventus ayaa guuldaro lama filaan ee 2-1 ah kaga soo gaartay Manchester United Allianz Stadium, taasoo ahayd guuldaradii ugu horeesay ay la kulmeen tan iyo bilawgii xili ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Fariinta Leonardo Bonucci ayaa ah mid uu ku dhiiragalinayay saaxiibadiis si ay u ilaabaan guuldaradii kasoo gaartay Juventus kooxda reer England uu hogaaminayay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Difaaca  reer Talyaani ayaa ugu baaqay saaxiibadiis inay diirada saaraan kulanka soo socda ee AC Milan ay ku booqan doonaan garoonka San Siro.

Leonardo Bonucci ayaa ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka “Waxaan u guuleysanaa koox ahaan, waxaana u guuldareysanaa koox ahaan, waa muhiim inaan sare u qaadnaa madaxeena, islamarkaana aan sii wadno horumarka”.

“Inaan u gudubno wareega xiga waxay ku jirtaa gacmaheena, haatan waa inaan u diyaar garoownaa kulanka Axada soo socota”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR