(Juventus) 10 Agoosto 2018. Leonardo Bonucci ayaa ka warbixiyay ayaa shaaca ka qaaday sababta ugu weyn uu u ogolaaday in uu markale dib ugu soo laabto kooxda Juventus, kadib hal xili ciyaareed uu kusoo qaatay kooxda AC Milan.

Hadalka Leonardo Bonucci ayaa wuxuu imaanayaa kadib shir jaraa’id uu maanta kasoo muuqday si loogu soo bandhigo saxaafada isagoo ah ciyaaryahan cusub ee kooxda Bianconeri, wuxuuna ka jawaab celiyay su’aalo dhowr ah ay saxaafada la wadaagtay.

“Markii aan doortay inaan baxo, waxay ahayd sababa la xiriira in dareenkeyga uu igu hogaamiyay, si aan u qaato go’aankan adag”.

“Go’aamada qaar aad gaarto xiliyada aad careesan tahay, ma ahan kuwo saxan, nasiib ayaan ku leeyahay inaan halkaan kusoo laabto, laakiin Milan xili kasta waa sida gurigeyga oo kale”.

“Ma jiro taariikh cayiman markii aan go’aansaday inaan ku soo laabto, waxay ahayd daqiiqad markii qof waliba isku raacay waanan ku faraxsanahay inaan dhameystiro geeddi-socodkan”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR