Waxaa weli taagan walwalka laga qabo mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona iyadoo mar sii horeysay ay soo baxday inuu kooxda isaga dhaqaaqi karo dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana uu haatan sheegay inuusan dooneynin qandaraas ku xiraya kooxda.

Taas bedelkeeda, kabtanka Barcelona ayaa doonaya inuu la sii joogo kooxda Catalans balse uu xoriyad u heli karo inuu baxi markii uu doono.

“Waxaa jirtay waqti laga hadlayay qandaraas abid ah inaan u saxiixo Barcelona, si la mid ah sidii ay ku sameeyeen Andres Iniesta” ayuu Messi ku sheegay wareysi uu siiyay Radio Metro.

“Waxaan u sheegay inaan dooneynin qandaraas lugta iga xiraya.

“Ma doonayo inaan halkaan sii joogo haddii aanan faraxsaneyn.

“Waxaan doonayaa inaan tartamo, inaan qaab ciyaareed fiican soo bandhigo, inaan u dagaalamo koobab, ma doonayo inaan halkaan u joogo kaliya qandaraaskeyga.

“Waa sababta aanan u jecleyn inaan qandaraas abid ah u saxiixo Barcelona.

“Laakiin Barcelona waan joogayaa nolosheyda oo dhan”

Isagoo ka hadlayay xiriirka kala dhaxeeya Neymar, Messi ayaa mar kale ku celiyay inuu xiriir fiican la leeyahay xiddiga reer Brazil.

“Neymar wax badan ayaan wada hadalnaa” ayuu sharaxaad ku bixiyay Messi.

“Waxaan leenahay WhatsApp Group oo uu sidoo kale ku jiro Luis Suarez.

“Waa ay ku adkeyd inuu soo laabto. Dad badan oo kooxda jooga ayaa diidanaa inuu soo laabto, inkastoo marka dhanka isboortiga laga eego ay ahaan laheyd wax weyn.”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR