Tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay kooxaha Man City iyo Liverpool ugu jiraan dagaal faraha la isaga gubtay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka premier League.

Sir Alex Ferguson ayaa rumaysan in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waliba Caawin ka heli doonto kooxda Man United.

Xiddigii hore ee Stoke City ee Jonathan Walters Ayuu daafacii hore ee Man United ee Phil Bardsley u sheegay in uu Sir Alex Kooxda Liverpool u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Labada xiddig ayaa u soo wada ciyaaray kooxda Burnley inkasta oo uu Walter ku biiray kooxda Ipswich ka hor intii uuna dhaawac Cidhibta ah uga fadhiisan ciyaaraha kubada cagta.

Labada xiddig ayaa horay saaxiibo u ahaa Waters ayaana sheegay in uu Ferguson Bardsley u sheegay in ay United dhibco ka qaadan doonto Man City kulanka ka dhici doona Old Trafford taas oo Liverpool ka caawin doonta in ay ku guulaysato horyaalka premier Legaue.

“Waxa aan la sheekaysanayay Phil Bardsley, waxa uu la fadhiistay Sir Alex Ferson”ayuu Walters u sheegay BBC Radio 5 Live.

“Wuu la fadhiistay waxana uu saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka, waxa uu u saadaaliyay Liverpool sababta oo ah Waxa uu aaminsan yahay in ay United dhibco ka qaadan doonto Man City”.

Liverpool ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier League laakiin Man City ayaa hal kulan gacanta ku haysata iyaga oo Old Trafford kula ciyaari doona Red Devils.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR