Liverpool ayaa Bayern Munich cashar lama ilaawaan ah ugu soo dhigtay garoonkii ay taariikhda ku lahayd ee Allianz Arena waxayna Reds awooday in ay si xarago leh uga soo baxday Allianz Arona oo kooxo aan tiro lahayn xabaal u noqday waxaana kulankan saamayntiisii layaabka lahayd ku sii watay Sadio Mane kaas oo rajadii Bayern Munich si buuxda u aasay.

Sadio Mane ayaa laba gool ka dhaliyay kooxda Bavaria halka goolka kale uu ahaa mid uu Virgil Van Dijk ku muujiyay doorkiisii aan la ilaawin karin ee uu Liverpool ku yeeshay waxayna Bayern heshay gool kaliya oo uu Matip iska dhaliyay.

Liverpool ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions league iyada oo xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah wareegan soo gaadhay waxayna hadda muujiyeen in ay ka mid yihiin kooxaha sida cad loogu saadaalin karo ku guulaysiga koobkan maadaama oo ay Bayern Munich dariiq ka soo dhigteen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum, James Milner; Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino.

Kaydka: Simon Mignolet, Dejan Lovren, Fabinho, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge, Divock Origi.

BAYERN MUNICH (4-2-3-1): Manuel Neuer; Rafinha, Niklas Sule, Mats Hummels, David Alaba; Javi Martinez, Thiago Alcantara; Serge Gnabry, James Rodriguez, Franck Ribery; Robert Lewandowski.

Kaydka: Sven Ulreich, Jerome Boateng, Renato Sanches, Leon Goretzka, Woo-Yeong Jeong, Alphonso Davies, Kingsley Coman.

Bayern Munich ayaa si xoogan ciyaarta ku bilaabtay waxayna Liverpool ahayd kooxda walwalka ugu badan ku bilawday ee difaacashada badan ku joojisay dardartii Bayern laakiin ciyaarta ayaa ku bilaabtay iyada oo labada kooxoodba ay taxadar badan ka muujinayaan in ay wax qaladaad ah sameeyaan.

Daqiiqadii 13 aad Jurgen Klopp ayay qasab ku noqotay in uu isbadal xili hore ah shaxdiisa ku sameeyo kadib markii uu Jordan Henderson ka soo kabsan kari waayay dhaawac soo gaadhay kaas oo uu isku dayay in uu woxogaa ku sii ciyaaro waxaana kaydka looga yeedhay Fabinho.

Waxaad shar moodayso oo khayr ah ayaa jira, waxayna taasi uga dhignayd Liverpool in Fabinho uu saamayn fiican ciyaarta ku yeeshay isla markaana uu ka dul qaaday cadaadiskii badnaa ee ay khadka dhexe ka haystay waxayna Liverpool bilawday in ay kubbada isku dhiibi karto.

Daqiiqadii 26 aad Alla Muxuu Gool Ahaa! Sadio Mane ayaa muujiyay sida uu waqti xaadirkan ugu jiro xaaladiisii abid ugu fiicnayd kadib markii uu Liverpool u dhaliyay goolka dahabiga ahaa ee wadnaha taabtay Bayern Munich laakiin qaabka uu u kala jeediyay goolhaye Manuel Neuer iyo difaaca Sule  ayaa ahayd mid cajiib ah waxaana caawinta goolkan meel fog ka soo sameeyay Virgil Van Dijk wuxuuna Mane kubbada ku taabtay shabaqa Bayern oo haawanaya isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Liverpool hogaanka ku qabtay.

Bayern Munich ayaa gashay daqiiqado waali ah waxayna Liverpool noqotay kooxda markiiba laga filan karayay goolka labaad iyada oo Bayern bilawday in ay kubbada qalad ka samayso.

Daqiiqadii 34 aad goolhaye Manuel Neuer ayaa dirqi ku joojiyay wax u muuqday goolka labaad ee Liverpool iyada oo Mane uu kubbad dhinaca bidix uga saaray Robertson kaas oo markiiba goolka bartilmaameedsaday laakiin Neuer ayaa kubbada koorne u saaray.

Daqiiqadii 39 aad Joel Matip ayaa musiibo ku noqday shaqadii waynayd ee ay kooxdiisa Liverpool soo qabtay wuxuuna si lama filaan ah iskaga dhaliyay goolka ay Bayern Munich ciyaarta ugu soo laabtay iyada oo Matip uu arkay isaga oo shabaqa kooxdiisa ku leexiyay karoos uu Gnabry  ka soo sameeyay dhinaca midig waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Bayern Munich ayaa isku dayday in ay dardarta goolka barbaraha ku keenato gool labaad laakiin Liverpool ayaa adkaysi kale muujisay iyada oo waliba Reds weerar rogaal celis ah ku raadinaysay goolka labaad balse qaybtii hore ayaa lagu kala nastay babraro 1-1 ah oo ay wali Liverpool ku soo bixi kartay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta  ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo dagaal buuxa u soo diyaar garoobay isla markaana ay mid kastaba doonaysay in ay keensato goolka labaad.

Daqiiqadii 49 aad Liverpool ayaa weerar halis ah soo qaatay kadib markii ay Sadio Mane iyo Mahamed Salah ay iska soo kaashadeen laakiin darbo uu Salah ku tuuray goolka Bayern ayuu goolhaye Neuer iska soo joojiyay isaga oo qaban kari waayay kubbada.

Daqiiqadii 61 aad Bayern Munich ayaa ugu dhawaatay in ay keensato goolkeeda labaad kadib markii uu Gnabry ka soo guulaystay Robertson isla markaana uu kubbad dilaa ah soo hormariyay goolka Liverpool waxayna kubbadu ka dhex baxday alisson iyo Lewandowski oo dhulka soo raacyay!!.

Daqiiqadii 61 aad Ribery oo ku fashilmay in uu soo dhaafo da’yarka Arnold ayaa ciyaarta laga saaray waxaana booskiisa la soo galiyay  Coman waxayna ciyaartoy noqotay mid isku dheeli tiran oo ay Liverpool kalsooni cusub la soo baxday.

Daqiiqadii 69 aad Liverpool ayaa neefta dib ugu celisay Allianz Arena kadib markii uu Virgil Van Dijk u dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta saamaynta wayn ku yeeshay wuxuuna Van Dijk ka awood batay Hummels kadib markii uu James Milner koorne soo tuuray iyada oo ciyaartu noqotay 2-1 ay Liverpool shaqo guri kale ugu dirtay Bayern Munich.

Daqiiqadii 75 aad Liverpool ayaa heshay fursad layaableh oo ay ciyaarta hurdada ugu diri kareen kadib markii uu Mohamed Salah kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa isaga oo darbo iskugu dayay in uu goolkan ku dhaliyo laakiin darbada uu difaacu ka xumeeyay ayuu sii yara taabtay laakiin kubbada uu Mane u arkayay in ay goolka galayso ayuu goolhaye Manuel Neuer lugtada iskaga saaray iyada oo Mane uu goolkan si sahlan u dhalin kari lahaa.

DAQIIQADII 84 AAD Bayern Munich Bye Bye!! Liverpool ayaa goolka saddexaad ugu qubaysay Bayern Munich oo rajo wali ka qabtay in ay keensato goolasha looga baahnaa laakiin Sadio Mane ayaa markale si cajiib ah madax ugu qabtay kubbad caawin layaableh oo uu Mohamed Salah soo sameeyay wuxuuna Mane sidaa ku dhaliyay goolkiisii labaad ee kulankan.

Goolkan ayaa u dhameeyay Bayern Munich wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyay guusha ay Liverpool ku soo gaadhay Allianz Arena kaas oo ay waliba taariikh layaableh ku samaysay waxayna Bayern Munich noqotay koox niyadjabtay, waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Liverpool ku dubanayso Bayern Munich oo marti loogu yahay Allianz Arena.

Intaa wixii ka danbaysay waxay ciyaartu noqotay mid lagu kala calaf qaaday waxayna Liverpool heli kartay fursado  ay xataa goolal kale ku dhalin kartay maadaama oo ay Bayern Munich nafsi ahaan u burburtay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Liverpool taariikh madow ku soo baday Bayern Munich waxayna kooxda Jurgen Klopp qayb ka noqotay siddeeda kooxood ee jimcaha loo samayndoono isku aadka UEFA Champions League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR