(Liverpool) 10 Nof 2019. Liverpool ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay kooxda Machester Ciy kaga adkaatay 3-1, kulan aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka Anfield, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 6-aad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Fabinho oo dhaliyay gool aad u qurux badan.

13 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Mohamed Salah ayaa goolka 2-aad u dhaliyay kooxdiisa Liverpool wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Andy Robertson.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad Sadio Mane ayaa si toos ah u niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Manchester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku hogaamineysay kooxdiisa Liverpool.

Daqiiqadii 78-aad Man City ayaa la timid gool waxaana ciyaarta 3-1 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, Reds ayaana haatan ka sareysa Sky Blues 9 dhibcood oo nadiif ah.

SAWIRRO:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR