( Premier League ) 12 Jan 2019. Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay wadada guusha kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen Brighton.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 0-0. Walow laba kooxba ay sameeyeen isku day goolka ah.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Liverpool ayaa gurba qabatay hogaanka dheeshan waxaana rigoore loo dhigay gool u badalay Maxamed Saalax markii dheeshu aheyd 50-daqiiqo.

Inkastoo kooxda guriga ee Brighton sameeyeen dhawr halis oo goolka Liverpool ah balse uma suuragalin iney helaan barbaraha cayaarta.

Guushaan ayaa Liverpool kaga dhigan iney hadda 7-dhibcood ka sareeyaan kooxda kusoo xigta ee Manchester City taa oo cayaari doonta habeenka Isniinta.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR