Halyeeyga kooxda Liverpool Sir Kenny Dalglish ayaa aaminsan in ayna 3-da xiddig ee weerarka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ka tagi doonin Kooxda ku ciyaarta Anfield ilaa ay kooxdu iska iibiso mooyaane.

Inkasta oo ay xiddigo lama taabtaan ah ka yihiin kooxda Liverpool hadana 3-da xiddig ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in ay isaga tagayaan kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Real Madrid Sadio Mane u calaamadsatay xiddiga bartilmaameedka u ah suuqa xagaaga laakiin Dalglish Ayaan aaminsanayn in 3-da xiddig ka tagi doonaan kooxda Liverpool.

Dalglish oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Iyadu waxa ay ka tagi karaan kooxda laakiin waa hadii ay Liverpool iska iibiso kaliya”.

“Ugu dambayn sida wax walba waxa dhici doonta in ay Liverpool is badal samayn doonto mustaqbalka laakiin ma arko in ay xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino iskood isaga tagaan kooxda”.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE