Sadio Mane ayaa soo qaatay xili ciyaareedkii noloshiisa ugu fiicnaa kadib markii uu soo yeeshay saamayn aanu abid hore ugu soo yeelan kubbada cagta waxayna taasi Liverpool ka caawisay in ay koobka Champions League ku soo guulaysteen.

Kooxda Liverpool ayaa soo bandhigtay shantii gool ee layaabka lahaa ee uu xidiga reer Senegal kooxdeeda u soo dhaliyay xili ciyaareedka hadda soo dhamaaday ee 2018/19.

Shanta gool ee ay Liverpool soo bandhigtay ayaa ah shan uu midba kan kale ka cajiibsan yahay, waxayna muujinaysaa doorkii cajiibka ahaa ee uu Sadio Mane ka soo qaatay horumarkii kooxda Jurgen Klopp.

Goolasha uu Sadio Mane amaanta badan kooxdiisa kaga helay ee loo soo xulay shantiisii gool ee ugu fiicnaa ayaa ah kuwo xusuus badan ku reebaya taageerayaasha Reds.

Qoraalka la soo raaciyay muuqaalka shanta gool ee Sadio Mane ayaa lagu yidhi: ” Super Sadio. Shantii mucjiso ee goolashii Mane ee ka yimid xili ciyaareedkii hore oo ay ku jirto cidhibtaasi”.

Waxaa goolashan lagu bilaabay xawaarihii layaabka lahaa ee ay Mohamed Salah iyo Sadio Mane ku dhaafeen kooxda Crystal Palace iyada oo Mane uu kubbad cajiib ah ku dhaliyay goolkii ay Reds guusha kaga soo gaadhay Eagles.

Waxa kale oo ku xiga goolkii Sadio Mane uu Anfield kaga dhaliyay Manchester United kadib caawintii iyo qaabilaadii uu Fabinho ka helay.

Goolkii uu Sadio Mane ku ceebeeyay goolhaye Manuel Neuer ee kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadkii UEFA Champions league ayaa sidoo kale goolashan ku jira.

Waxa kale oo goolashan lagu soo xidhay goolkii cidhibta cajiibka ahaa ee uu Sadio Mane ka dhaliyay kooxda Watford kadib kubbadii layaabka lahayd ee uu Arnold caawinta uga helay.

Haddaba halkan ka daawo shanta gool ee ugu quruxda badnaa ee uu Sadio Mane xili ciyaareedka dhamaaday u soo dhaliyay Liverpool.

Sadio Mane ayaa rajaynaya in uu qaab ciyaareedkiisii kooxda Liverpool uu u min guurin karo xulkiisa Senegal si uu koobka qaramada Afrika wacdaro uga dhigi karo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR