Kooxda Arsenal ayaa dagaal kala kulmaysa sidii ay kooxdeeda ugu sii hayn lahayd xidiga khadka dhexe ee Lucas Torreira kaas oo go’aan ku gaadhay in uu xagaagan iskaga baxo Emirates Stadium.

Tan iyo markii uu Lucas Torreira kooxdiisa Arsenal ugu soo biiray 26 ka milyan gini ee xagaagii la soo dhaafay, waxa uu ka mid noqday ciyaartoyda ay jamaahiirta Gunners ugu jecel yihiin balse waxa uu ku dhibtooday in uu la aqbsado nolosha magaalada London.

Lucas Torreira ayaa maamulka kooxdiisa Arsenal si toos ah ugu wargaliyay in uu bixitaan diyaar u yahay isaga oo waliba xiiso badan ka helaya kooxda horyaalka Talyaaniga Serie E oo uu jecel yahay in uu ku laabto ee AC Milan.

Sida uu shaaciyay wariyaha Alfredo Pedulla, Lucas Torreira ayaa maamulka kooxdiisa Arsenal u sheegay in uu bixitaan doonayo isaga oo la qabsan waayay nolosha England.

AC Milan ayaa dhawaan ku dhawaaqday in shaqada tababaranimo ee kooxdeeda uu la wareegay macalinkii hore ee kooxda Sampdoria ee Marco Giampaolo kaas oo uu  Lucas Torreira  xidhiidh fiican kula lahaa kooxdiisii hore ee Sampdoria ee ka hor intii aanu Arsenal ku soo biirin.

In AC Milan ay heshay tababare Marco Giampaolo waxay sii kordhisay suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karaan Lucas Torreira oo diyaar u ah in uu Serie A ku soo laabto.

Laakiin nooca dalabka ay AC Milan ku doonayso Lucas Torreira ayaa ah mid aan la filayn in ay maamulka Arsenal aqbali karaan waxaana Milan doonaysaa in ay marka hore Torreira ku qaataan amaah ay ka bixinayaan £7 milyan gini isla markaana ay kadib ku iibsan karaan £34 milyan gini.

Arsenal oo aan lacag fiican u haysan suuqa kala iibsiga ayaan la filayn in ay aqbali karto in Lucas Torreira oo ka mid ah ciyaartoyda kooxdeeda ugu muhiimsani in uu dalab noocan oo kale ah ku bixi karo.

Laakiin in Lucas Torreira haddaba maamulka kooxdiisa u gudbiyay dalabkiisa bixitaan ayaa la filayaa in uu ku adkaysan doono in loo ogolaado in uu Serie A ku laabto xagaagan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR