(Manchester) 25 Mar 2020. Xiddigii hore kooxda Manchester United ee reer Portugal Luís Nani ayaa u doortay inuu qeyb kaga soo dhigo shaxda kooxdiisa riyada ee ka kooban Shan ciyaaryahan saaxiibkiis Cristiano Ronaldo.

Dhinaca kale Luís Nani ayaa wuxuu si kaftan ah u sheegay in Cristiano Ronaldo uu wax badan ka bartay isaga.

Luís Nani ayaa u soo xushay shaxda kooxdiisa riyada ee ka kooban Shan ciyaaryahan saddex ka mid ah xiddigihii uu kaga soo garab ciyaaray kooxda kubadda cagta Manchester United.

Shaxdan uu doortay Luís Nan ayaa xiddigihii ku soo baxay waxa ay kala yihiin David de Gea, Paul Scholes, Ronaldo, Deco iyo Bruno Alves.

Shabakada “Sky Sports” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay xiddiga reer Portugal ee Luís Nani, wuxuuna isagoo kaftamaya uu sheegay:

“Cristiano Ronaldo oo leh xirfadahan oo dhan iyo xawaaraha, wax badan ayuu aniga iga bartay dhalinyaranimadeydii, isagu wuu yaqaanaa wuuna ogyahay arrintaas”.

Mar uu ka hadlayay sababta uu u doortay David de Gea ayaa wuxuu yiri:

“Waa goolhaye aad u wanaagsan, iyo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka ee booskiisa”.

“Paul Scholes wuxuu si weyn u xakameeyay kubadda, wuxuuna lahaa aragti weyn ee gudaha garoonka ah”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE