Saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Barcelona, ee Philippe Coutinho, ayaa wuxuu sheegayaa in ciyaaryahanka uu ku deysado inuu yahay Halyeeygii hore e qaranka Brazil iyo kooxdaan reer Catalan, ee Ronaldinho.

Coutinho ayaa uga soo biirey Barcelona dhigeeda Liverpool, bishaan Janaayo kadib markii ay kaga soo iibsatey aduun lacageed dhan 192 Malyuun oo Dollar, taasoo ka dhigtey xidiga labaad ee aduunka ugu qaalisan.

Isagoo wareysi siinayay Barca Tv ayaa wuxuu daboolka qaadey laacibkii hore ee Inter Milan, in dhamaan ciyaartoyda reer Brazil ay ku deysadaan Ronaldinho, sidaas darteeda, uu  isana lamid yahay kuwaas.

Wuxuu yiri: “Dhamaan ciyaartoyda reer Brazil, waxa ku leeyihiin sheekooyin wanagasan halkaan Barcelona, laakiin Ronaldinho ayaa wuxuu yahay mid aan had iyo jeer aan ku deysano, anna aan ku deysaddo.

Wuxuu hadalkiisa ku darey: “Wax walba oo wanaagsan ayaan usocdaan, waxaana ushaqeyn doonaa si adag, si aan ugu noolaado Nolasha leyga filayo, waxaana tababar fiican aan ku qaadan doonaa halkaan.

Coutinho ayaa wuxuu hada ka maqnaan doonaa Barcelona, wax ka badan Sadex Isbuuc sababo ku aadan dhaawac dhanka Bowda ah, waxaana la filayaa in kulankiisa ugu horeeya uu dheelo bisha soo aadan Bilowgeeda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR