Xidigii iyo agaasimihii ciyaaraha hore ee kooxda Real Madrid ee Pedja Mijatovic ayaa si adag u naqdiyay in Zinedine Zidane aanu wax xal ah u heli doonin dhibaatada kooxdiisa haysata wuxuuna ku dooday in xili ciyaareedka Madrid uu haddaba la mid noqonayo kii musiibada ahaa ee la soo dhaafay.

Mijatovic ayaa barnaamijka idaacada SER ee  El Larguero programme waxa uu u sheegay in uu jiro walwal badan oo laga qabo in xaalada Real Madrid ay sii xumaan doonto kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga.

Agaasimihii hore ee Real Madrid ee Pedja Mijatovic ayaa ka hadlay wixii uu ka filayay Real Madrid kulankii PSG iyo wixii ka soo baxay kulankii Paris oo uu ku tilmaamay wax layaab isaga ku noqday.

Ugu horayn Pedja Mijatovic oo ka hadlaya kulankii Real Madrid iyo PSG ayaa yidhi: “Anigu maan filayn in aan arko ciyaar sidaas oo kale ah, gaar ahaan kulan PSG ka dhan ah halkaas oo ay xidigahoodu ka maqnaayeen”.

“Intii ayna ciyaartu bilaamin, waxaan filayay in aan arko ciyaar ka duwan, kalsooni badan ayaan qabay, waxaanan rajaynayay in ay Madrid bixinayso tilmaantii ugu fiicnayd ee tartanka kaas oo ay dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay taariikh ka sameeyeen, laakiin may noqon, PSG ayaa dhinac walba oo suurtogal ah ku fiicnayd” ayuu Pedja Mijatovic hadalkiisa raaciyay.

Pedja Mijatovic oo walwalkiisa kooxdiisii hore ee Real Madrid ka hadlaya ayaa yidhi: “Real Madrid si cad ayay ciyaarta uga maqnayd, taasi waa walwal aad ah, xili ciyaareedkani waxa uu haddaba u eeg yahay xili ciyaareedkii hore”.

“Marka aad koox u ogolaato in ay u ciyaarto sidii ay Madrid u samaysay PSG xalay, waxay ciyaartoy kasta oo kooxda kaa soo hor jeeda ah ay ka dhigayaan in uu cajiib u muuqdo. Waa waqtigii laga walwali lahaa, waana waqtigii hadda ay xal raadin lahaayeen”.

Laakiin Pedja Mijatovic oo ka hadlaya kulanka ay Madrid booqan doonto Sevilla ayaa yidhi: “Waa walwal, sababtoo ah hadda waxay axada u safrayaan Sevilla, shayga aan arkayaa waa in aanu Zidane awood u lahayn in uu xalalkaas helo si uu kooxda u horumariyo”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR