(London) 13 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa is dhiibay ka hor kulanka kooxdiisu ay la ciyaarayso Barcelona wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub.

Alvaro Morata ayaa sheegay inaan la awoodin in la celiyo Lionel Messi, balse wuxuu u sheegay kooxdiisa qaabka ay uga adkaan karaan Barcelona.

laacibka reer Spain ayaa rumaysan in Barcelona ay uga adkaan karaan inay difaac ka xirtaan isla markaana aysan siin ciyaartoyda Barca boosas ay kula socdaan kubadda iyaga oo neefta ku xiraya.

“Suurogal ma ahan in la celiyo Lionel Messi” ayuu yiri Alvaro Morata oo ka hadlay kulanka Barcelona, wuxuuna sii raaciyay:

“Haddii aan doonayno inaan natiijo fiican ka helno Barcelona waa inaan soo bandhignaa ciyaar difaac ku dhisan anaga oo yaraynayna boosaska ay kula socon karaan kubadda, anaga oo neefta ku celinayna intii macquul ah”.

Waxaa xusid mudan in Lionel Messi uu ka hortagay 8-jeer kooxda Chelsea, waligiisna kama dhalin wax gool ah.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR