Xiddiga magaciisu aadka uga batay boggaga hore ee saxaafada kubadda cagta ayaa ah Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan balse aad loola xidhiidhinayo kooxdii uu kasoo guuray laba sano kahor ee Barcelona.

Xiddiga ree Brazil ayaa dhawaan qaaday talaabo kale oo u dhawaynaysa inuu ka baxo PSG isaga oo gabi ahaanba ka maqnaaday tababarkii kooxda taas oo dhalisay in Paris ay warbixin kasoo saarto ganaaxna dul dhigto.

Agaasimaha ciyaaraha ee Paris Saint-Germain ee Leonardo ayaa dhawaan sheegay hadalkii ugu cuslaa kaas oo ahaa inay la xidhiidheen Barcelona balse aysan wax dalaba helin.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haatan war cusub laga soo xiganayaa Marca waxaana uu wargeyskaasi sheegayaa in PSG ay dhammaan diiday dalabaadkii Barcelona ee ahaa in heshiiska lagu daro Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Dembele iyo Coutinho ayaa ah rajo ay qabtay Barcelona waxaana ay doonaysay inaysan wada bixinin lacagta badan ee Neymar balse ay lacag iyo ciyaartoy iskugu darto.

Marca ayaa sheegaya in PSG ay doonayso lacag kaash ah oo kaliya taas oo la micno ah ugu yaraan 222 Milyan oo saafi ah oo ah lacagtii uu ugu wareegay markii hore caasimada France.

Dhinaca kale saxaafada kala duwan ayaa qoraysa in Paris ay heshay bedelkii Neymar waxaana ay qorshaynayaan inay kooxdooda keenaan Nicolas Pepe oo wacdaro kusoo dhigay Ligue 1 gaar ahaan kooxda Lille xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Amuuraha heshiiska Neymar JR ayaa ah kuwo aan kala joogsi lahayn waxaana maalinba kasoo cusboonaanaya warar kala duwan balse waxa laga wada warsugayaa sida ay wax u dhici doonaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR