Shaxda macquulka ah ee ay Barcelona ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub ee soo socda ayaa haddaba ah mid la sii qiyaasi karo.

Kooxda Barcelona ayaa heshay warkii ay doonaysay kaas oo ah in Griezmann uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Ateltico Madrid ka baxayo.

Kadib hal sano markii uu Antoine Greizmann uu qaatay go’aankii uu kaga baxay heshiiskii buuxay ee uu Barcelona la gaadhay, waxa markale qaatay go’aanka uu ku burburinayo heshiiskii uu saxiixay.

Barcelona ayaa haddaba loo arkaa kooxda xigta ee uu Griezmann ka ciyaari doono kadib markii la ogaaday in uu ka qoomameeyay go’aankii uu waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore uu ku diiday ku biirista Camp Nou.

Barcelona waxay horeba u heshay saxiixa Frenkie De Jong oo Camp Nou soo gaadhay doona maalinta July 1 waxayna sidoo kale qarka u saaran tahay in ay la soo saxiixato Matthijs De Ligt oo isna Ajax ka tirsan.

Haddaba siday shaxda Barcelona noqon doontaa xili ciyaareedkan cusub haddii ay Griezmann iyo Matthijs De Ligt kooxdeeda ku soo kordhiso?

Wali waxa uu shaki ka joogaa in Valverde uu shaqada kooxda sii hayn doono kadib ceebtii Champions League, balse waxaa haddaba la qiyaasi karaa nooca shaxeed ee ay Barca ku soo shirtagi karto.

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo diyaarisay shaxda macquulka ah ee ay Barcelona ku soo dagaal gali karto xili ciyaareedka cusub waana shax ay ka soo muuqan doonaan Griezmann, Matthijs De Ligt iyo Frenkie De Jong.

Goolhaye Ter Stegen ayaa booskiisa sii ilaashan doona waxaana la filayaa in difaaca dhexe ay ku midoobi doonaan Gerard Pique iyo Matthijs De Ligt oo la sheegay in ay haddaba Barca heshiis la gaadhay.

Jordi Alba wali waxa uu sii ahaan doonaa difaaca bidix halka Nelson Semedo iyo Sergio Roberto ay difaaca midig isku dul saarnaan doonaan.

Sergio Busquets ayaa dhexda danbe ee burburiyaha ka sii ciyaari doona waxaana ka horayn doona Frenkie De Jong iyo Arthur Melo taas oo meesha ka saari doonta Ivan Rakitic oo mustaqbalkiisa shaki la galinayo.

Antoine Greizmann iyo Ousmane Dembele ayaa la filayaa in ay labada garab ee weerarka isku bad-badalan karaan haddii uu Griezmann kaga dhabeeyo go’aankiisa uu ku doonayo Barcelona taas oo dili doonta rajada yar ee Coutinho.

Iyada oo Luis Suarez oo da’ahaan u waanaydaa waxaa la filayaa in ay Lionel Messi lagu soo celin doono sagaalkii beenta ahaa ee uu shaqada badan ku soo qabtay waqtiyadii uu ka soo ciyaaray.

Haddaba halkankaga bogo Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Barcelona Ku Ciyaari Karto xili ciyaareedka soo socda.

Miyay shaxdani noqon kartaa shaxdii ugu fiicnayd ee ay Barcelona heli karto horaanta xili ciyaareedka cusub?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR